
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in wax laga qabto xaaladda amni ee gobolka Mudug, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiweli Jibriil Bayle.
Guddoomiye Bayle wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Deni uu habeeno ka hor shir la yeeshay madaxda Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, islamarkaana uu amar ku bixiyay in wax laga qabto amniga gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in ciidan farabadan la keeni doono gobolka Mudug, kuwaas oo la doonayo in wax looga qabto amniga darrada ku soo badanaysa gobolka.
“Gobolka Mudug waxaa ugu daran amniga, ciidan baa la keenayaa farabadan, booliskaa lagu soo darayaa, waxaa la keenayaa ciidan birmad ah” ayuu yiri guddoomiye Bayle.
“Madaxweynaha Puntland, madaxdii Mudug hadday wasiiro tahay iyo hadday xildhibaano tahay habeen saddexaad wuu shiray, amar buu ku bixiyay in amniga gobolka Mudug wax fiican laga qabto” ayuu raaciyay.
Gobolka Mudug waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay falal lid ku ah amniga, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilal iyo afduub.
PUNTLAND POST