Soomaaliya iyo Sri Lanka oo dib u soo celiyay xiriirkooda

Dowladaha Soomaaliya iyo Sri Lanka ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda, sida lagu xusay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu daabacay wakaaladda SONNA.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka kulan kula qaatay, madaxweynaha Sri Lanka Anura Kumara Dissanayak.

Kulanka safiirka iyo madaxweynaha waxaa la sheegay in lagu bogaadiyay soo noqoshada xiriirka tooska ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka, gaar ah waxaa laga wada hadlay  fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.

PUNTLAND POST