
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo hoggaaminaya wafdi isugu jira cuqaal, nabaddoonno iyo waxgarad ka socda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo u tagay ka qeybgalka caleemo-saarka Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade.
Wafdiga Islaan Ciise waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye. Odayaasha ayaa uga mahadceliyay wafdiga imaanshahooda iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan munaasabaddan caleema-saarka Ugaaska Beesha Murusade.
Xafladda caleemo-saarka Ugaaska Beesha Murusade ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya isimo, cuqaal, waxgarad iyo marti sharaf kale oo ka kala imanaya qeybaha kala duwan ee dalka.









PUNTLAND POST