Guudlaawe: Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaas, kaas oo diirrada lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray golihiisa wasiirada in loo diyaar-garoobo doorashada qof iyo cod ee wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP” sidaas waxaa golihiisa wasiirrada ka hor yiri madaxweyne Guudlaawe, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu baaqay shacabka in ay wacdaro ka dhigaan hannaanka doorasho ee dalka uu galay.

PUNTLAND POST