
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Kuwait, Mauritania, Urdun, Cumaan, Lubnaan iyo Yemen ayaa si adag u cambaareeyay ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista safiirka Somaliland.
Waxay sheegeen in tallaabadaasi tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiirradu waxay xaqiijinayaan diidmadooda cad ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama farageliya madax-bannaanidooda.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen taageeradooda buuxda ee aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’adaha sharciyeysan ee dowladda, kuwaas oo ah matalaadda kaliya ee rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirradu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in falalkan ay yihiin xadgudub muuqda oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, isla markaana ay abuuraan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida Geeska Afrika, taas oo saameyn taban ku yeelan karta nabadda iyo amniga gobolka guud ahaan.
PUNTLAND POST