Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay La-taliye Maraykan ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga kula kulmay La-taliyaha Maraykanka ee arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos.

Waxay ka wadahadleen sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga arrimaha gobolka & tan caalamka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia oo lagu baahiyay barta X.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo La-taliyaha Maraykanka ee arrimaha Carabta iyo Afrika ayaa ka qaybgalay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee dalka Turkiga, taas oo ay ka qaybgaleen madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka socda caalamka.

PUNTLAND POST