
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa markii ugu horreysay maanta ka soo muuqday fagaaraha siyaasadda tan iyo intii laga wareegay magaalada Baydhabo.
Laftagareen oo ku sugan magaalada Nairobi wuxuu kulan la qaatay mudanayaal ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasinyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray Laftagareen waxa uu ku sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo caqabadaha jira deegaannadaas.
“Waxaan maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya casuumaad qado sharaf ah ugu sameeyey mudanayaasha labada Aqal ee BJFS iyo siyaasinyiinta deegaanada Koonfur Galbeed” ayuu yiri Laftagareen.
“Kulanka ayaa waxaa ugu doodnay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo” ayuu raaciyay.
PUNTLAND POST