
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyihii hore ee guuta 2-aad ee ciidanka Puntland Gen. Fu’aad Warsame Maxamed (Xanaano) u magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada amniga ee dhinaca difaaca.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa wasiir hore Axmed Bashiir Muuse u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay soo saaray dhowr wareegto oo uu ku sameeyay magacaabis iyo xilka qaadis.
PUNTLAND POST