
Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabatayn ka dhan ah Israa’iil ku soo rogi doonto marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab, haddii ay joojin waydo faragelinta ay ku hayso dalkeeda.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Amb. Cabdullaahi Warfaa ayaa sheegay in dal kasta oo ku xadgududba madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka uu la kulmi doono cawaaqib xumo ay ku jiraan xaddidaadyo ka iman kara marinka Baabul Mandab.
Hadal qoraal ah oo safiirku soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ayuu ku yiri “dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib xumo ay ku jiraan xaddidaadyo ka iman kara marinka Baabul Mandab”.
Soomaaliya, haddii ay tallaabadan qaado waxay si weyn u saameyn doontaa dhaqaalaha iyo dekedaha Israa’iil, gaar ahaan dekeda Eilat oo ah tan kaliya ee ay ku leeyihiin koonfurta (Badda Cas).
Hanjabaada dowladda Soomaaliya waxay timid, xilli arbacadii ay Israa’iil safiirkii ugu horreeyay u magacowday maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.
Bishii December 2025, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo ay dawladda Soomaaliya si adag uga biyo-diiday, islamarkaana ay dhaleeceeyeen dalal badan oo caalamka ah.
PUNTLAND POST