
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay hoygiisa kulan casho ah kula qaatay qaar ka mid ah isimada gobolka Bari ee Puntland, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno labada gole ee Federaalka ka tirsan iyo siyaasiyiin reer Puntland ah waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka yimaadeen isimada iyo dadaallada xoojinta dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Isimadan oo kala ah Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal Koonte iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi waxay maalmo ka hor kulan la qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isimadan waxay Muqdisho tageen oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha la kulmeen, xilli uu khilaaf adag ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo dastuurka.
PUNTLAND POST