
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in nidaamka federaalka Soomaaliya ay halleeyeen dowlad goboleedyada oo sida uu tilmaamay noqday ‘maxmiyado’.
Wuxuu xusay in shakhsiyaad ay ku tagrifalaan awooda dowlad goboleedyada, islamarkaana ay sameeyaan waxa ay kaga cabanayaan dowladda Federaalka wax ka daran.
“Nidaamka federaalisimka dalka waxaa halleeyey maamul goboleedyada oo noqday maxmiyado, awooddii Xamar laga soo qaaday waxay ku haystaan Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo, shaqsiyaad ayaa ku tagri falaya dowladnimada, shacabkiina waxay u sheegeen in dowladda dhexe cadow u tahay” ayuu yiri Gaas.
Isaga oo ku daray “hoggaamiyaasha gobolladu keligood baa taliya isla inta ay Xamar kaga cabanayaan ayay samaynayaan”.
Waxaa xusid mudan in Khilaafka hadda u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka uu mid la mid ah taagnaa xilligii uu madaxweynaha ahaa Cabdiweli Gaas.
PUNTLAND POST