Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo ka dhacay afar gobol

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Bay iyo Jubbada Hoose lagu dilay 54 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgallo duqeyn ah ka fuliyeen deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Bay ah iyo Qumbi oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan oo gaarayay lix duqeyn ayaa la tilmaamay in ay sababeen dhimashada xubnaha Al-shabaab iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale la sheegay in la beegsaday keyd sahay.

PUNTLAND POST