
Labo askar oo ka kala tirsan ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay is-rasaaseyn caawa ka dhacday gudaha magaalada Gaalkacyo, taas oo dhexmartay labo ciidan.
Ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo Gaalkacyo u tagay askar qoryo la goosatay ayaa la sheegay in ay jidka u galeen ciidan ka mid ah Daraawiishta, taas oo keentay is-rasaaseynta dhexmartay labada dhinac.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa weli ka hadlin dhacdadan, iyada oo magaalada Gaalkacyo ay muddoyinkii dambe ka dhacayeen dilal loo gaysanayay ciidanka dowladda.
PUNTLAND POST