
Madaxtooyada Puntland ayaa amar cusub fartay wasiirada iyo mas’uuliyiin cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Warqad ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta aysan shaqaale cusub qoran karin tan iyo inta ay dowladda ka sameynayso siyaasad iyo jihayn cusub.
“Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha, hay’adaha madaxbannaan iyo maamullada gobolada Puntland in si kumeelgaar ah loo joojiyay isbeddel kasta oo lagu sameynayo qaab-dhismeedka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda” ayaa lagu yiri warqada.
“Go’aankan waxaa lagu dhaqmayaa inta ay dowladda Puntland ka dhameystirayso diyaarinta siyaasadda iyo jihaynta cusub ee dowladda, taas oo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono hay’adaha ay khuseyso marka ay diyaar noqoto” ayaa la raaciyay.
Warqada oo ku taariikhaysan 12-ka Abriil, waxaa ku saxiixan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Caarshe Maxamed Siciid.

PUNTLAND POST