
Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo ka mid ah mucaaradka xukuumadda Deni ayaa sheegay in ay dhawaan magaalada Garowe ku qaban doonaan shir looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa yiri “waxaan u sheegayaa ummadda reer Puntland in dhawaan uu dhici doono shir xaaladda iyo duruufaha uu dalku marayo wax la isaga weydiinayo oo laga wadatashan doono, kaas oo ay ka qaybgalayaan waxgaradka iyo dadka samajeclaha ah ee reer Puntland”.
“Shirkaasi wuxuu noqon doonaa, shir Puntland lagu ilaaliyo oo lagu difaaco jiritaankeedii, midnimadadeedii, qabkeedii iyo meeshii ay midnimada Soomaaliyeed ka taagnayd” ayuu raaciyay.
Shirka ay iclaamiyeen mucaaradka Puntland wuxuu ku soo aadayaa, xilli maalin ka hor dib loo dhigay shir ay Golaha Mustaqbalka ku yeelan lahaayeen magaalada Garowe.
Qaar ka mid mid ah mucaaradka xukuumadda Deni ayaa lagu dhaliilaa in ay gacansaar la leeyihiin Muqdisho oo madaxweyne Xasan Sheekh uu u adeegsado faragelinta Puntland.
PUNTLAND POST