
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada gobolka Bari ee Puntland.
Isimada la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal Koonte iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray baahiyaha ka jira deegaannada gobolka Bari, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Maxamuud Mashruuc & Faysal Siciid Dheere oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland iyo wasiiru dowlaha dekedaha & gaadiidka badda Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Dhucle, kuwaas oo ka soo jeeda gobolka Bari.
Kulankan ayaa yimid, xilli Puntland ay dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay burburinayso nidaamka federaalka, islamarkaana ay doonayso in dalka gobol, gobol loo hoos-geeyo Muqdisho.
PUNTLAND POST