Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 6-aad ku guuleystay madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guulaystay doorashadii shalay ka dhacday dalkaas, sida ay ku dhawaaqeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka  Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu helay 97% codadkii la dhiibtay, halka musharaxii la tartamay Maxamed Faarax Samatar uu helay 3% oo keliya. Geelle ayaa Jabuuti sii maamuli doona tan iyo sanadka 2031, taas oo ka dhigan in uu xilka hayn doono 32 sano.

Madaxweyne Geele waa madaxweynihii labaad oo ay Jabuuti yeelato tan iyo 1977, markaas oo ay xoriyadda ka qaadatay dalka Faransiis, wuxuu xilka qabtay 1999 markii uu geeriyooday Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaas ayna qaraabo dhow ahaayeen.

Madaxweyne Geelle wuxuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha Afrika ee sida aqlabiyada ah ugu guulaystay doorasho walba oo dalalkooda ka dhacda, isaga oo ku guuleystay lix doorasho oo Jabuuti ka dhacay.

Jabuuti ayaa ah dal yar oo ay ka jirto saboolnimo ba’an, waxayna ka mid tahay meelaha qaarada Afrika ugu liita dhanka shaqo la’aanta iyo fakhriga.

PUNTLAND POST