Markabka Çağrı Bey oo munaasabad soo dhawayn ah loogu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad soo dhawayn ah oo loo sameeyay markabka Turkiga ee Çağrı Bey, kaas oo shidaal qodis ka bilaabi daana xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda ka sheegay in amniga dalku uu horseeday maalgashi shisheeye oo caalami ah, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in si hufan oo masuuliyad leh looga faa’iidaysto khayraadka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan xaqiijin doonto isku filnaansho dhaqaale, lagana maarmi doono kaalmo shisheeye.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta danaha shacabka, isla markaana ay hubin doonto in khayraadka dalka loo maareeyo si caddaalad ah oo daah-furan.

PUNTLAND POST