Baaq loo diray Siciid Deni iyo Xasan Sheekh

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa ugu baaqay xukuumadda madaxweyne Deni in ay la timaado aragti ka duwan dhaqan siyaasadeedka sida ay sheegeen horseeday jaahwareerka iyo hubanti la’aanta.

Madashu waxay ka digtay in Puntland lagu hoggaamiyo siyaasad mugdi ah, taas oo ay sheegeen in natiijada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadayo madaxweyne Deni.

Dhanka kale Madasha Siyaasadda Puntland waxay ugu digtay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay Soomaaliya u horseedo burbur dowladnimo iyo colaad sokeeye.

Madashu waxay ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dib uga laabato burburinta nidaamka federaalka oo ah xarigga isku xira dowladnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST