
Magaalada Laascaanood waxaa tan iyo 28-kii bishi hore ee Maarso ku xiran wariye Cabdiqani Cabdiraxmaan Maxamed oo ka tirsanaa bahda saxaafadda maamulka Waqooyi Bari.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafay sawir muujinaya wariye Cabdiqani oo silsilad lugta kaga xiran tahay iyo cambaarayn loo jeedinayo maamulka Waqooy iBari.
Taliyaha Booliska gobolka Sool ee maamulka Waqooyi Bari Khadar Maxamed Faarax (Gawrac) oo xaqiijiyay sawirka ayaa sheegay in dambi loo haysto oo la baarayo ciddii qaaday, islamarkaana ay shaqo joojin ku sameeyeen askartii ku sugnayd saldhigga uu ku xirnaa wariye Cabdiqani. Sidoo kale wuxuu xusay in ay raaligelin ka bixinayaan sawirkaas.
Wariye Cabdiqani oo weli wax maxkamad ah la horgayn ayaa xildhibaano ka tirsan maamulka Waqooyi Bari xirigaas ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo ka soo horjeeda xorriyadda hadalka.
Sidoo kale qaar ka mid ah ururada saxaafadda Soomaalida ayaa cambaareeyay xariga, islamarkaana maamulka Waqooyi Bari ugu baaqay in ay degdeg xorriyadiisa ku siiyaan wariye Cabdiqani.
PUNTLAND POST