Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga doorashada maamulka Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay 28-ka bishan Abriil ay doorashooyin isku sidkan oo qof iyo cod ah (goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiilada) ka qaban doonto deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay warkan, kaddib markii uu kulan la qaatay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee maamulkaas Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Guddoomiyaha wuxuu tilmaamay in ay doorashada ay ka qaban doonaan 11 degmo oo kala ah; gobolka Bakool (Xudur iyo Waajid) gobolka Bay (Baydhabo, Diinsoor, Qansaxdheere, Bardaale iyo Buurhakaba) gobolka Shabeellaha Hoose (Marka, Wanlaweyn, Afgooye iyo Baraawe).

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in ay labo degmo dib u furi doonaan diiwaangelinta, kuwaas oo kala ah degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

PUNTLAND POST