
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa min hal darajo dalacsiisay ciidamadii dhawaan la wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo meel faraage ah kula hadlay ciidamo ka tirsan guutada Gorgor ayaa sheegay in uu min hal darajo dalacsiisay inta uu awooda u leedahay, halka uu xusay in saraakiishana sidaas oo kale loo dalacsiin doono.
“Inta aan anigu karo, min hal darajo ayay dalacday, saraakiisha idin hogaaminaysay iyo saraakiil ku xigeenadana ballantaas oo kale ayay qabaan” ayuu yiri Taliye Ibraahim.
Ciidamada la wareegay Baydhabo ayaa intooda badan waxay ka soo kicitimeen magaalada Muqdisho, waxayna soo mareen dhul isu jira masaafo dhan 250 km oo qaar ka mid ah ay muddo dheer ka talinaysay Al-shabaab.
PUNTLAND POST