Cirro oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

MMadaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta sameeyey xil-ka-qaadis iyo magacaabis qaar ka mid xubnaha golahiisa wasiirrada.

Wasiirada

1. Barkad Jaamac Batuun – Wasiirka Warfaafinta.

2. Aadan Geedi Qayaad – Wasiirka Beeraha.

3- Maxamed Cabdimaalik – Wasiirka Biyaha.

4- Dr Cabdisalaan Xuseen Awaale – Wasiirka Isgaadhsiinta.

Wasiir ku-xigeennada

1- Mukhtaar Xaaji Muxummed Faarax – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

2- Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska.

3- Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaaydh) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta & Sayniska.

4- Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul – wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha.

5- Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

6- Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada.

7- Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

La-taliye

1- Dr. Maxamed Cismaan Fadal – La-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah.

Guddi

1- Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi – Xubin ka mid ah Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

PUNTLAND POST