Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Baydhabo

Madaxweyna dowladda Federaalk Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulamo aan kala joogsi lahayn oo uu xal ugu raadinaayo isbedelka siyaasiga ah ee ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in uu ku qanciyo dhamaan dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed in ay u diyaar garoobaan aragtida doorashada ee dowladda Federaalka, taas oo ah doorasho qof iyo cod.

Dhanka kale waxaa magaalada Baydhabo ku qulqulaya siyaasiin xil doon ah oo kala aragti duwan, iyada oo ay maanta gaareen Maxamed Aadan Farkeeti iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

PUNTLAND POST