
Puntland ayaa guddoomiyeyaashii gobollada ee xilka laga qaaday fartay in ay xilka wareejiyaan ugu dambeyn maalinta sabtida ee todobaadka soo socda.
Warqad soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu yiri “waxaa lagu wargelinayaa guddoomiyeyaasha gobollada ee xilka siihaya in ay xaflada xil wareejinta qabtaan ugu dambeyn maalinta sabtida oo ku beegan April 04, 2026”.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu maalin ka hor xilka ka qaaday guddoomiyeyaasha gobollada Nugaal, Bari, Mudug, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Raascasayr, isaga oo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

PUNTLAND POST