Madaxweyne Deni oo magacaabis cusub sameeyay

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa Beesha Madhibaan u soo celiyey wasiir ku-xigeen ay Puntland ku lahayaeen oo shalay laga qaaday.

Madaxweyne Deni ayaa maanta Faa’iso Cali Ismaaciil u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland.

Magacaabistan waxay ku timid, xilli beesha Madhibaan ay cabasho xoogan ka muujisay kursiga laga qaaday, iyaga oo hore tabasho uga qabay saami qaybsiga siyaasadeed ee Puntland.

PUNTLAND POST