Puntland iyo hay’adda The HALO Trust oo ka wada hadlay miino baarista

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Hay’adda The HALO Trust ee ka shaqaysa arrimaha miino baarista oo uu hoggaaminayo madaxda howlgelinta hay’adda Adam Jasinski.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo hay’adda, gaar ahaan dardargelinta howlaha la xiriira miino baarista iyo waxyaabaha qarxa ee weli ku jira dhulka, kuwaas oo khatar ku ah badqabka bulshada iyo horumarka deegaanka.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirka amniga Puntland Xaaji Bakiin, wasiir ku-xigeenka amniga, agaasimaha guud ee amniga iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

PUNTLAND POST