Aadan Madoobe oo war ka soo saaray mooshin la sheegay in laga keenay Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in uusan jirin mooshin soo gaaray oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu xusay in aysan jirin wax tallaabo ah oo la qaaday oo la xiriirta mooshin ka dhan ah madaxweynaha, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada.

“Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si cad u cadeynayaa in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Golaha Shacabka wuxuu ku shaqeeyaa hannaan sharci ah oo cad, mana jirto wax tallaabo ah oo la qaaday oo la xiriirta mooshin ka dhan ah Madaxweynaha JFS” ayaa la raaciyay.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyay in xildhibaano ka badan 100 ay gudbiyeen mooshin ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh, hase ahaatee uu diiday guddoomiye Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST