Xasan Sheekh: Laftagareen iyo Madoobe waxay naga galeen heshiis, caddeymana waan ka haynaa

Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka doorashada ee dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Madaxweyne Xasan sheekh oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay heshiis doorasho qof iyo cad ah la galeen dowladda Federaalka, islamarkaana aan laga yeelayn dooraho dadban.

“Nin heshiis doorasho nala galay oo aan cadeymo ka heyno ayaa hadda diidaayo warkeenna oo dhahaayo doorasho dadban ayaan rabnaa, adeer waa laga yimi laguna laaban maayo wax kasta oo la aqriyo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Doorasho dadban haddaad maqasho waa dan aan leeyahay aan dambiil ku rito” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST