Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa markale loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo heley 66 cod.

Xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed oo xalay saqdii dhexe lagu dhawaaqay ayaa maanta saacado gudahood ku doortay guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulkaas.

Doorashadan waxay dhacday, xilli ay magaalada Baydhabo qarka u saaran tahay in ay la wareegaan ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa ah magaalada keliya ee hadda gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen, waxaana saacadihii ugu dambeeyay ku soo dhawaaday ciidamo ka soo dhaqaaqay Buurhakaba oo qiyaastii 60 km u jirta.

PUNTLAND POST