Koonfur Galbeed oo baddeshay jadwalkii doorashada

Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta baddelay jadwalkii doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Xildhibaannada cusub oo qorshuhu ahaa in ay maalinta berri ah doortaan guddoonka baarlamaanka ayaa maanta doortay guddoon cusub, waxayna guddoomiye u doorteen Cali Siciid Fiqi.

Sidoo kale doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laga dhigay inta u dhaxaysa 28-30 bishan, taas oo ka dhigan taxaa in ay maanta dhici karto.

Baddelida jadwalka doorashada Koonfur Galbeed waxay timid xilli ay Baydhabo qarka u saaran tahay in ay la wareegaan ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa ah magaalada keliya ee hadda gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen, waxaana saacadihii ugu dambeeyay ku soo dhawaaday ciidamo ka soo dhaqaaqay Buurhakaba oo qiyaastii 60 km u jirta.

PUNTLAND POST