Taliye Ibraahim oo kulan la qaatay Taliyaha Maraykanka u qaabilsan hawgallada gaarka ah ee Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (Special Operations Command Africa SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

PUNTLAND POST