Muxuu Farmaajo ka yiri xiisadda ka taagan maamulka Koonfur Galbeed?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu tilmaamay in xaaladdan cakiran ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa muujiyey inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladdan cakiran haddii dowladda Federaalku ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST