
Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacowday degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo shalay laga soo celiyey diyaarad siday ciidan ay dowladdu doonaysay in ay gayso degmadaas.
Wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh ayaa Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) loogu magacdaabay guddoomiyaha maamulka degmada Waajir, halka Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jogta) loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee amniga iyo siyaasadda degmadaas.
Sidoo kale waxaa Aadan Cali Kulow loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka labaad ee arrimaha bulshada, halka xoghaya degmada Waajid laga dhigay Ayaanle Cabdi Dhuux-yare.
Magacaabidan waxay la xiriirtaa xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ee u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen.


PUNTLAND POST