Mucaaradka Laftagareen oo ciidamo xooggan ku soo bandhigay Buurhakaba

Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo bandhigay ciidamo xooggan oo ka dhan ah maamulka Laftagareen.

Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Xasan Eeleey iyo safiirka Tansaaniya Ilyaas Cali Xasan ayaa meel fagaaro ah kula hadlay ciidamada, iyaga oo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku eedeeyay in uu Baydhaba ka wado doorasho hal dhinac ah iyo colaad sokeeye.

Guddigii doorashada ee xalay la magacaabay oo qaar ka mid ah laga soo xulay xafiiska madaxweynaha ayaa ugu sii daray xiisada siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannadeeda Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa hadda inta badan waxaa gacan ku hayo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa taageersan mucaaradka oo la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST