
Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni u soo jeediyay in ay soo farageliso qiimaha shidaalka deegaannada Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay cirka isku shareeray.
Cali Xaaji ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Garoowe, markii ugu horeysay ayuu gaarey tenega naaftada ah $21/20 litres ($1.05 per litre) halkii uu ka ahaa $13 ($0.65 per litre) maalmo ka hor intii uusan qarxin dagaalka Bariga Dhexe”.
“Korodhka shidaalka ee aan inama macquulka aheyn meesha uu hadda marayo wuxuu u baahan yahay faragelin dowladeed, maadaama uu saameynayo dhammaan badeecada kale oo dhan oo raashinku ugu horeeyo. Waxaa isna laga cabsi qabaa inuu isna kordho gaaska cuntada lagu karsado ee loo yaqaan LPG. Taasi waxay sababi doontaa in lagu noqdo jaridii dhirta iyo dhuxushii” ayuu raaciyay.
Wuxuu soo jeediyay in dowladdu qaado tallaabooyin muhiim u ah ilaalinta nolosha muwaadiniinta, iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka dhashey saameynta dagaalka Bariga Dhexe.
Hoos ka akhri qoraalka Cali Xaaji
Garoowe, markii ugu horeysay ayuu gaarey tenega naaftada ah $21/20 litres ($1.05 per litre) halkii uu ka ahaa $13 ($0.65 per litre) maalmo ka hor intii uusan qarxin dagaalka Bariga Dhexe.
Korodhka shidaalka ee aan inama macquulka aheyn meesha uu hadda marayo wuxuu u baahan yahay faragelin dowladeed, maadaama uu saameynayo dhammaan badeecada kale oo dhan oo raashinku ugu horeeyo. Waxaa isna laga cabsi qabaa inuu isna kordho gaaska cuntada lagu karsado ee loo yaqaan LPG. Taasi waxay sababi doontaa in lagu noqdo jaridii dhirta iyo dhuxushii.
In kasta oo dagaalku saameyntiisa leeyahay, haddana in uu sidaas u kordho waa wax aan macquul aheyn. Waxaa loo baahan yahay in ay dowladdu qaado tallaabooyin muhiim u ah ilaalinta nolosha muwaadiniinta iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka dhashey dagaalka iyo saameyntooda.
Sidaas oo kale waxay saameyn weyn ku iman doontaa raashinka laga keeni dibada oo dhan, dabadeedna waxaa dhacaya cunto yari haddii aynaan inta goori goor tahay aynaan u noqon cuntadii dalka ka soo go’aysey sida galleyda, digirta, mesegada ama haruurka iwm.
Ma noqon karno dal cuntadiisa magan u ah suuqa caalamka & isbedelkiisa, innagoo Alle na siiyey dhul beereed ballaaran oo quudkeena ku filan. Maanta Waxaa loo baahan yahay qorshe dowladeed & isku tashi si aan u badbaadino nolosheena.
Maanta adduunku wuxuu marayaa meel halis ah oo khatar ku ah jiritaankeena, haddii aynaan la iman talo mideysan, caqli iyo qorshe qaran. Waxa ay ku mashquulsan yihiin madaxdii dalka loo doortey heer dhexe iyo heer gobol waa gunnimo adduun & gablan.
PUNTLAND POST