Wariye Mohamed Yusuf Said – Mr Bakayle oo barnaamij gaar ah ku soo bandhigay horumarka iyo isbeddelka Garoowe

Garoowe – Wariye Mohamed Yusuf Said – Mr Bakayle ayaa barnaamij gaar ah ka diyaariyay magaalada Garoowe, caasimadda Puntland, kaas oo lagu soo bandhigay horumarka iyo isbeddellada dhinacyada kala duwan ee magaalada ka muuqda.

Barnaamijka oo uu wariyuhu ka diyaariyay booqasho uu ku tagay Garoowe ayaa diiradda lagu saaray koboca magaalada, dhismayaasha cusub, bilicda, adeegyada bulshada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda caasimadda Puntland.

Wariye Bakayle ayaa intii uu magaalada ku sugnaa booqday goobo kala duwan, isaga oo muuqaallo kasoo duubay qaybaha magaalada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda, isla markaana soo bandhigay sida Garoowe isu beddeshay sannadihii u dambeeyay.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah warbixinnada gaarka ah ee Mohamed Yusuf Bakayle kaga warramo magaalooyinka Soomaaliyeed, horumarka deegaannada iyo xaaladaha nololeed ee bulshada.

Halkan ka daawo barnaamijka oo dhammaystiran:

PUNTLAND POST