Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka noqday heshiisyo ay kala saxiixdeen wasiiradda wasaaradaha arrimaha dibadda, waxbarashadda, xanaanada xoolaha iyo batroolka.

Heshiisyada waxaa ka mid ah dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka & gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Heshiisyadan ayaa la sheegay in ay dhidibada u taagayaan iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

PUNTLAND POST