
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay halkaasi ku yeesheen kulan gaar ah.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in ay mawqifkooda mideeyaan wakhti ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu raadinayo xallinta khilaafkii labadan hoggaamiye iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, islamarkaana la isku dayayo in ay dhawaan kulamo toosa dhacaan.
Ilo wareedyo ka tirsan dhinaca Puntland ayaa tilmaamaya in Deni iyo Axmed Madoobe isla soo qaadeen shuruudo qodobaysan oo ay ka rabaan Villa Somalia in ay fuliso, kuwaasi oo ay ku jiraan Aqoonsiga doorashadii Jubaland, ka laabashada wax ka beddelkii Dastuurka iyo heshiis laga gaaro Arrimaha doorashada 2026.
Kulankan ayaa imaanaya wakhti labadan hoggaamiye dhawaan ka soo laabteen waddanka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee Villa Somalia iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubaland.
PUNTLAND POST