
Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay in aysan wax Aqoonsi sharciya haysan xarun la baxday Universal University of Science, Engineering and Technology (UUSET) oo Todobaadkan laga furay magaalada Garoowe.
Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu yiri “Ku dhawaaqista furitaanka waxa loogu yeeray Jaamacadda Universal University of Science, Engineering and Technology (UUSET) waa mid aan sharciyad iyo aqoonsi rasmi ah haysan, maadaama aan loo marin habraaca sharci ee aasaasidda iyo aqoonsiga hay’adaha tacliinta sare ee Puntland, sida uu farayo Xeerka Tacliinta Sare ee Puntland.”
“Wasaaraddu waxay horey ugu dirtay qoraal rasmi ah dadka arrintan mas’uulka ka ah, iyaga oo lagu wargeliyey in ay joojiyaan howlgalka ku aaddan arrintan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in aan loo hoggaansamin amarkaas, taas oo ka dhigaysa tallaabadan mid liddi ku ah nidaamka. Waxay si cad oo aan mugdi ku jirin markale u sheegeysaa in hawshaasi aanay haysan wax sharciyad iyo aqoonsi rasmi ah, isla markaana aysan jirin wax awood sharci ah oo siinaya inay sii wadaan howlgal jaamacadeed gudaha Puntland.”
Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxay sidoo kale digniin culus u dirtay cid kasta oo ku lug leh arrintan nidaamka baalmarsan, iyadoo si cad u ogaysiisay in tallaabo sharci iyo maamul laga qaadi doono cid kasta oo sii wadda ku xadgudubka nidaamka iyo Xeerka Tacliinta Sare, waxaana ay uga digtay Bulshada in ay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha goob waxbarasho oo aan haysan sharciyad iyo aqoonsi sugan.
PUNTLAND POST