
Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahan iyo Culimada Beesha Warsangeli oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa ka dalbaday Xukuumadda Puntland in ay jawaab deg deg ah ka siiso cidda fulisay Weerarkii lagu dilay AUN caaqilka Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim oo Sabtidii Torobaadkan duqeyn diyaaradeed lagu dilay.
“Sida aan wada ogsoonnahay, waxaa 13/sep/2025, weerar diyaaradeed oo gantaalo loo adeegsadey lagu diley Caaqil, Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim isagoo ku jira safar oo keligiis wata gaadhigiisii, kana soo baxay Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag, kuna socdey magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, markii uu marayey meel u dhow Tuulada Jiicanyo ayaa lala beegsaday saddex gantaal.”
“Haddaba, madaxda Dhaqanka, aqoonyahanka iyo Culimada Diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshada gobolladaas kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dawladda puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada, iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee nabadgelyada mawaadiniinta, waxay Madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha dawladda puntland ka dalbayaan inay jawaab degdeg ah kasoo bixiyaan.”
“Ciddii geysatey ee fulisey weerarka diyaaradda iyo gantaalaha loo adeegsaday laguna diley Caaqil, Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim iyo cid kasta oo gacan kasiisay dilkaas. Sababta loo beegsaday ee lagu bannaystay dilkiisa annagoo og inuu caaqil,
Cumar ahaa oday samatalis ah dalka oo dhanna laga yaqaaney inuu ahaa caaqil ku suntan ka shaqaynta amniga, nabadgelyada iyo maslaxadda dalka iyo dadka” ayuu u dhignaa bayaankaasi.
Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahan iyo Culimada Beesha Warsangeli, waxay sheegeen in ay jawaab dhammaystiran ka sugayaan Xukuumadda Puntland, islamarkaana Talo guud ka yeelan doonaan dilkii AUN caaqilka Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim, haddii aysan xog lagu qanci kado ka helay dhinaca Puntland.
Halkan ka akhriso Bayaanka oo dhan


PUNTLAND POST