
Xukuumadda Puntland oo xaadirtay Shirweynaha Cimilada Waddamada Afrika oo ka qabsoomay dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay Shirkaasi uga qeyb-gashay si madax-bannaan oo ay adeegsatay magaca dowladda Puntland.
Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaaminayay mas’uuliyiinta Puntland ku metelay Shirka Cimilada Afrika ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn Wefdigii Soomaaliya ka socday ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, balse magaca Puntland kaga qeyb-galeen Madashaasi.
Maxamed Faroole wuxuu intaasi ku daray in ay Shirka ka qeybiyeen buug ku saabsan Saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku yeelatay degaannada Puntland, kaasi oo ay Madaxda Afrika iyo deeq-bixiyaashii Caalamka u dhiibeen, si ay faham buuxa uga qaataan Xaaladda Isbeddelka Cimilada ee Puntland.
Wasiir Faroole ayaa sidoo kale sheegay in wefdigii Puntland shirar doceedyo la yeesheen Madaxdii Afrika ee Shirka ka qeyb Gashay, waxaana uu intaasi raaciyay in Puntland guul kala soo hoyatay tegitaankii Shirka Cimilada Waddamada Afrika ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya.
PUNTLAND POST