
Ciidanka Booliska Puntland oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen eedaysane loo haysto in uu maanta xaaskiisi ku dilay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Warkan oo ka soo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in ciidanka saldhiga Galdogob ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane faarax xasan Aadan oo loo haysto dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa.
“Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Galdogob ayaa gacanta ku soodhigay eedaysane faarax xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa” ayuu u qornaa warkan ka soo baxay Booliska.
Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa intaasi raaciyay in ay baaris kaddib sharciga horgeyn doonaan eedaysane faarax xasan Aadan oo loo haysto dilka xaaskiisi marxuumad Samsam Maxamed Xaashi “Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayuu sii raaciyay qoraalka Boolisku.
PUNTLAND POST