
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u canbaareeyay awooda ciidan ee xad-dhaafka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya u adeegsanayso barakicinta qoysaska danyarta ah ee ku nool xerada Horseed ee Degmada Hodan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay arrintan ayaandarro weyn, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed u caddaynayo in ciidankii lagu aaminay difaaca shacabka iyo la dagaallanka argagixisada ay xabbad ku ridayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah.
“Waxaa nasiib darro ah in ciidankii ilaalin lahaa nabadgelyada shacabka, dalkana ka difaaci lahaa argagixisada ay xabbad ku ridayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda iyo ganacsato dano gaar ah wadaagaya inay ku lug leeyihiin dhul-boob baahsan, taas oo dhaawacday haybaddii dowladnimo, niyad-jabisayna shacabka iyo ciidanka.
“Dhul boobka ay shirkada ku yihiin madaxda dowladda iyo ganacsatada danlayda ah wuxuu dilay haybaddii dowladnimo iyo mooraalkii ciidanka, wuxuuna niyad jabiyey hankii shacabka ay ka lahaayeen dowladda,” ayuu raaciyay Isagoo ka digaya khatarta arrintan.
PUNTLAND POST