
Ciidamada difaaca Puntland oo ku jira wejigii u danbeeyay ee sifaynta firxadkii argagixisadw Daacish ayaa maanta jihooyin dhawr ah kaga ruqaansaday togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin wixii ka fiigay kooxdaasi.
Ciidamada oo ay hawada ka ilaalinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dowladda Puntland ayaa bilaabay hawlgal culus oo lagu dhammaystirayo wejigii u danbeeyay ee ciribtirka argagixisada, kaasi oo firxadkii lagaga nadiifinayo godad dhaca togga Baallade ee duleedka Boosaaso.
Hawlgalkan waxaa si weyn u taageeraya dowladda Imaaraatiga Carbeed iyo Maraykanka oo dhanka duqeymaha culus ka caawinaya Puntland halka duqeymaha fudud ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Puntland oo kor socda ciidamada.
PUNTLAND POST