Villa Somalia oo xiisaddii Masar iyo Itoobiya u soo rartay gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo faahfaahin ka bixiyay xiisadda colaadeed ee ka aloosan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in xiisaddani ay riixayaan Masar iyo Eritrea oo adeegsanaya Villa Somalia.

“Kooxda Xamar fadhida waxay gobolka Gedo u soo rareen colaad iyo khilaafaad dowlado ka dhex taagan, waxay xambaarsan yihiin aragti Masar iyo Eritrea u soo dhiibeen, waana mushkilad xasilooni-darro ka abuurtay degaannadii nabadda aha ee gobolka Gedo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka warbixiyay xiisaddii degmada Beledxaawo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale sheegay in aysan degmada Beledxaawo ka maqnaan doonin gacanta Jubaland, islamarkaana dhakhso dib ugu soo celinayaan, si ay amniga iyo xasiloonida degaanka u ilaaliyaan, taasi oo muujinaysa in ciidamada Jubaland isu diyaarinayaan rogaal-celin, maadaama horay looga qabsaday Beledxaawo.

Warkan ayaa imaanaya xilli Jubaland ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay duleedka Beledxaawo, halkaasi oo ay ka wadaan dhaq dhaqaaq xooggan iyo diyaar-garow ku aaddan dib u soo celinta Beledxaawo.

PUNTLAND POST