
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka warbixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, isaga oo xusay abaaraha ba’an ee ka jira gobolka Awdal oo saameeyay in ka badan 600,000 qof.
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka Madasha Arimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF 2025) oo maanta ka furmay magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale xusay colaadaha sababay barakaca weyn ee ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Gedo.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dadaallo ay dowladdu waddo oo ay kamid yihiin ku dhawaaqista gargaar lacageed oo dhan $500,000, halka maamulka gobolka Banaadir uu isna bixiyay $200,000, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay lama huraan tahay in la kordhiyo kaalmada, gaar ahaan kuwa ka imanaya ganacsatada, qurbojoogta iyo hay’adaha maxalliga ah.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay baahida loo qabo in wax laga beddelo habka loo wajaho gargaarka Bani’aadannimo, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo hannaanka wadashaqayn oo loo dhan yahay, isla-markaana laga dhigo Soomaalida hormuudka qorsheynta iyo fulinta gargaarka.
PUNTLAND POST