
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal xooggan ka fuliyay buuraha Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay mooto iyo sahay ay lee yihiin goosan ka tirsan firxadkii mileeshiyaadka Daacish.
Taliska ciidamada difaaca Puntland oo shaaciyay warkan ayaa sheegay in guutada kowaad ee ciidamada oo hawlgal xooggan ka fuliyay lix ceel oo ka tirsan Buqa-caleed ay gacanta ku dhigeen mooto iyo sahay ciidan oo ay ka carareen goosan ka tirsan argagixisada oo mudda kooban ku dhuumanayay aaggaasi.
“Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo hawl-gallo xooggan oo qorshaysan ka fuliyey lix Ceel oo ka tirsan Buqa, ceelka Dhidiraley iyo Ceelka Xoomiso, halkaasi oo goosanka khawaariijta Daacish ku dhuumaalaysanayeen muddo kooban ayaa lagaga qabtay Mooto iyo Sahay kale.”
“Sidoo kale Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ka hawlgalay togga iyo buuralayda Raqraq ee Calmiskaad, soonaha u dhexeeya Dhasaan iyo Dhaadaar ee koonfur Bari” ayuu u qornaa warkan oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland gaar ahaan Hawlgalka Calmiskaad.
PUNTLAND POST