Gaadiidka summad la’aanta ah oo gudaha Puntland ka noqday hal-beeg amni-darro

Gaadiidka summad la’aanta ah (bila taargo) oo aad ugu soo badanaya degaannada Puntland ayaa hal-beeg u noqday gudbinta Katarobaanka iyo abuurista falalka amni-darro.

Warbixino amni oo soo baxay ayaa muujinaya in baabuur summad la’aan ah lagu fuliyo inta badan falalka amni-darro ee ka dhaca gudaha Puntland, oo ay ku jiraan kufsiga iyo dhaca, sida laga diiwaangeliyay dhammaan dhacdooyinkii tan iyo bilowgii sannadkan.

Laamaha amniga Puntland ayaa marar kala duwan loo gudbiyay cabashooyinka amni ee ku saabsan gaadiidka summad la’aanta ah ee lagu fuliyo fal-danbiyeedyada abaabulan si ay wax uga qabtaan, balse weli wax tillaaba kama qaadin, taasi oo muujinaysa gaabis iyo dayacaad ku-tala-gal ah.

PUNTLAND POST