Puntland oo Turkiga u fasaxday Markabkii Hubka siday ee Sea World

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay weheliyaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in wefdiga Turkiga uu daba socday xiriir muddo u dhexeeyey dowladda Puntland iyo Turkiga oo ku saabsan Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo dowladda Turkiga ay la wadaagtay dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.

“Safarka Waftiga Dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Dowladda Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay go’aansatay in ay mas’uuliyadda markabka Sea World iyo shixnadda saaran ay ku wareejiso Turkiga, iyadoo tixraacaysa caddaymaha Turkigu soo gudbisay iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka.

“Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga” ayuu sii raaciyay Warka Puntland.

PUNTLAND POST